Home
Madaxweynaha Yemen Oo Shaki Ka Muujiyey Ujeeddada Reer Galbeedka Ee Badda Cas PDF Print E-mail
Sunday, 05 October 2008
Qaahira: (Naba' News/Geeska)- ilo xog ogaal ah ayaa tibaaxay in booqashada madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalix uu dhowaan ku tegey dalka Urdun iyo Masar ay ujeeddadeedu ahayd in uu masuuliyiinta dalalkaas la soo gorfeeyo walaaca uu dalkiisa Yemen ka qabo

Qaahira: (Naba' News/Geeska)- ilo xog ogaal ah ayaa tibaaxay in booqashada madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalix uu dhowaan ku tegey dalka Urdun iyo Masar ay ujeeddadeedu ahayd in uu masuuliyiinta dalalkaas la soo gorfeeyo walaaca uu dalkiisa Yemen ka qabo waxa uu u arko qorshe dejisan oo Maraykanka iyo Yurub ku doonayaan in ay kula wareegaan badda cas. Waxa ay ilahaasi intaas ku dareen in Madaxweyne Saalix uu isku dayayo sidii uu arrinkan u dareensiin lahaa hoggaamiyeyaasha carabatu si ay uga hortagaan qorshe uu Saalix u arko in reer Yurub iyo Maraykanku doonayaan in badda cas ay ka dhigaan goob caalamiya oo ay isugu yimaaddaan quwada waaweyni.

Madaxweynaha Dalka Yemen waxa uu kulamo magaalooyinka Qaahira iyo Cammaan kula yeeshay madaxweyne Xusni Mubarak iyo Boqor Cabdlaha labaad, sida la sheegayna waxa kulamadaa hoggaamiyeyaasha kala qayb galay saraakiisa iyo masuuliyiinta amniga ee dalalkaas. Sida uu ku waramay bogga internet-ka ee Naba' News oo laga leeyahay dalka Yemen, wada hadallada uu Cali Cabdalla Saalix la yeeshay masuuliyiinta dalalkaasi waxa ay si gaar ah u daarranaayeen  war war badan oo uu dalka Yemen ka qabo ciidamada ajaanibka ah ee sida xad dhaafka ah loo soo dhoobay marinka koonfureed ee badda cas iyo khatarta ay ku keeni karaan amniga dalalka carabta guud ahaan. Waxa uu Cali cabdalla Saalix hoggaamiyeyaashan dareensiiyey sida uu uga baqo qabo in ujeeddada ciidamadani aanay ahayn budhcad badeed la dirir ee ay daba socoto qorshe hore ay u soo jeedisay Israel oo ahaa in badda cas laga dhigo goob caalamiya lagana hoos saaro maamullada dalalka xad ahaan wadaaga oo ay ka mid yihiin Somalia, Somaliland, Djibouti, Eritrea, Sudan Yemen, Masar, Urdun, Israel iyo Sucuudiga. Soo jeedinta qorshahaas hore ee Israel waxa fashiliyey dalalka carabta oo si adag u diiday xilligaa. 


Qorshaha Yemen:
Waxa ay sheegeen ilahaas xog ogaalka ahi in madaxweyne Saalix uu la hortegey hoggaamiyeyaasha Masar iyo Urdun soo jeedimo iyo talooyin arrintan ku aaddan oo uu hore ugala soo tashaday boqorka dadlka Sucuudiga boqor Cabdalla binu Cabdalcasiis. Dadaalka Yemen waxa uu yahay in ay samayso xidhiidh iyo iskaashi carbeed oo ka imanaya dalalka baddan cas wadaaga si looga hor tago suurto galnimada in badda cas oo uu ku jiro marinka muhiimka ah ee Baabul Mandab iyo jasiiradaha yar yare e ku dhow laga dhigto goob dunida ka dhexaysa iyada oo loogu soo marmarsoonayo budhcad badeedda.


Aragtida Eritrea:
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Eritrea Cusmaan Saalax oo dalkiisu uu xidhiidh fiican la leeyahay dalka Israel sidoo kalana saldhig milater ka siiyey deegaanka dahlak ee Eritrea ayaa dhabbaha u jeexay aragtida ah in uu jiro mashruuc lagu caalamiyeynayo badda cas, mar uu bishii hore hadal jeediyey, waxa uu wasiirku sheegay in dalkiisu ay soo bandhigay soo jeedin ah in la sameeyo istiraatijiyad gaar ah oo lagu sugayo amniga badda cas, kana qayb qaadanayaa dhammaan dawladaha ku hareeraysan badda cas oo ay hor kacayaan dalka Sucuudiga iyo Masar.


Qorshaha Israel:
Dalka Israel oo ka war war qaba masaafada aadka u yar ee uu ku leeyahay badda cas ayaa qaba fikrad ah in badda cas aan la kala yeelan. Israel waxa ay ka soo gashaa badda cas dhowr mile oo deegaanka Elat ah, taas oo aan u suuro gelinayn in ay raacaan siyaasadda ah in ay badda cas ka dhex muujistaan awood siyaasi ah iyo mid milateri midna, xataa aanay u suuro gelayn in ay jid ay ciidamadeeda badda u mariso saadka iyo xoojinta.  War warka dalka Israel uu ka qabo in badda cas ay gacanta ku hayaan dalal muslim ahi waxa uu dhashay dagaalkii 1967-kii dhex maray carabta iyo Israel kadib markii dalka Masar uu muddo sannado ah xidhay marinka muhiimka ah ee Suweys iyo markii labaad ee bishii October sannadkii 1973-dii uu dalka Yemen xidhay kadinka Baabal Mandab.  Tani waxa ay dalka Israel ku qasabtay in sanadkii 1980-kii ay qodda gacan loogu magac daray Labada badood oo ay doonayso in uu isku xidho badda cas iyo badda dhimatay si ay u noqoto tallaabadii ugu horreysay ee lagu samaynayey marin deegaanka Xayfa ee Israel mara oo ku xidhan badda dhexe. Dadka siyaasadaha gorfeeya ayaa aaminsan in qorsha labaad ee ay Israel wadatay oo ahaa in baddan laga dhigo meel dunida oo dhan ka dhexaysa si ay u meel mariso iyada oo adeegsanaysa gacmo kale ay ka shaqaysay in nabadda Somalia geed lagu laalo, sidoo kalana ay keentay in Eritrea oo u adeegaysa Israel ay dagaal la gasho Ethiopia, Djibouti iyo Yemen, waxa kale oo qorshaha Israel samaysay ka mid ah in la sii huriyo colaadda Sudan ee dhinaca Darfur iyo in xadhkaha loo sii daayo budhcad badeedda Somalia oo aan waxba laga qaban inta ay wax ka qabashadoodu fududdahay. Si rabshadahaasi ay u keenaan in dunidu u soo jeedsato gobolkan muhiimka ah si ay u suuro gasho in ciidamo xad dhaaf ah oo caalamiyi yimaaddaan Israel-na u soo raacdo ama ugu yaraan ugu soo hoos dhuumato kana fushato ujeeddooyinkeeda ay ka mid tahay in ay marinkan ka gudbaan maraakiibteeda u sida waxyaabaha u gaarka ah. marsato waxa ay doonto. Waxa aanay u eegtahay in qorshahaasi hadda si weyn ugu suuro gelayo dalka Israel.


Ciidamada Caalamiga ah:

Cabsidan uu dalka Yemen qabaa waxa ay xoogeysatay markii deegaankaas laga dareemay dhaq-dhaqaaq badan oo milateri. Waxaa badaha Somalia jooga ciidamo ka socda Ruushka, India, Malaysia , Maraykanka oo isagu saldhig ku leh iyo weliba dalal badan oo laga yaabo in ay ku soo biiriyaan ciidamo iyaga oo ku marmarsoonaya in ay wax ka qabanayaan budhcad badeedda.


Badda cas:
Badda cas ayaa ah marin ganacsi oo aad ugu muhiim ah ganacsiga dhex maraya dawladaha dunida, marka la eego tiro koobyadii u dambeeyey ee la sameeyaana waxa ay muujinayaan in baddan cas ay maraan qiyaas ah 325 Milyan oo Ton oo alaabooyin ah taas oo ka dhigaysa tirada guud ee shixnadaha ganacsi ee adduunka isaga gudba sannadkii boqolkiiba Toban ka mid ahi ay maraan badda cas. Waxa iyagun si is daba joog ah kor ugu sii kacaya tirada tangarrada sida saliidda caydhin iyo shidaalka ee sida xad dhaafka ah u mara marinnadan. Waxa la og yahay in marinka keliya ee lagaga maarmi karo kadinka Baabul Mandab uu yahay marinka loo yaqaanno Rajada fiican laakiin taasi ku kacayso kharash xad dhaaf ah.


Gunaanad:
Dareenka shaki ee uu dalka Yemen iyo dalal kalaba ka qabaan ujeeddada dhabta ah ee ciidamada caalamiga ahi isugu soo gurayaan badda cas, waxa sii xoojiyey markii la ogaaday in ciidamada Maraykanka, France iyo Jarmalka oo hore u joogey baddani aanay iskuba taxalujin in ay wax ka qabtaan budhcad badeedda ay aad uga awood badan yihiin oo mararka qaar meelo u muuqda afduub lagaga kaxaysto maraakiibta.

Source: Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....